Madaxweyne Musaveni “Ciidamadeenu Howsha Soomaaliya ay ka hayaan waa mid Afrikaanimo ee ma ahan shaqaale ka tirsan QM”

Yuweri Musaveni Madaxweynaha dalka Uganda ayaa sheegay in ciidamada ka jooga jooga Soomaaliya aysan aheyn kuwa u shaqeeya QM, balse ay yihiin ciidamo haya shaqo uu u dirsaday ururka Midawga Africa.

Madaxweynaha Uganda wuxuu hadalkaan ka sheegay kadib markii uu magaalada New York ku shir Gudoomiyay kulan ay ka qeyb galeen madax ka socotay wadamada ay ka socdaan ciidamada ku shaqeeya magaca AMISOM ee Soomaaliya ka hawlgala.


Shirkaas ayaa la sheegay in looga hadlaayay xoojinta awooda ciidamada iyo dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Uganda wuxuu sheegay in ciimada Soomaaliya ka jooga ay yihiin kuwa haya shaqa uu ku tilmaamay Afrikaanimo ah hase ahaatee ay shaqaale u aheyn Q,M ama xataa dawlada Soomaaliya.
Warbaahinta Uganda ayaa faafiyay in Madaxweyne Musavani uu u sheegay madaxdii ka qeyb gashay shirkii ka dhacay magaalada New York in Q,M ay fududeyso hawlaha farsamo ee shaqada ciidamada AMISOM ku baxaya hase ahaatee loo baahan yahay in dawladaha ay ka socdaan ciidamada Soomaaliya ay ogaadaan inay howsha ay u hayaan si Afrikaanimo ah.
Dhanka kale Shirkaas uu khudbadda ka soo jeediyay Madaxweynaha Uganda waxaa ka qeyb galay madax ay ka mid ahaayeen Ra’iisul wasaarayaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo wakiilo wasiiro u badan oo matalayay dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM iyo taliyaal ciidan sida uu baahiyay wargayska Daily Monitor ee Uganda ka soo baxa.