Kooxo Hubaysan oo Goordhow ku dilay Magaalada Muqdisho Genaraal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya .

Waxaa Xaafadda Degmada Waaberi goordhow lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliy, kadib markii kooxo hubaysan oo watay Bastoolado ay caawa ku dileen agagaarka Gurigiisa.


Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Gen. C/Laahi Maxamed Sheekh (Quruurux), wxayna wararku sheegayaan in kooxihii dilka sarkaalkaas ay ka baxsadeen goobtii ay falkaasi ka sameeyeen.
Dhanka kale General Qururux Alle ha u naxariistii wuxuu horay u soo noqday Taliye ku xigeenkii Saadka Ciidanka Xoogga dalka, iyadoo wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaalka lala dilay Askar isaga ilaalo u ahayd, hase yeeshee ma jirto in arrintaasi jirto warar xaqiijinaaya.