Wasiirada Caafimaadka Warfaafinta Iyo Cadaalada oo maanta hortagaya Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo maanta kulan  ku yeelanaya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hortagi doona saddex ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya.

Wasiiradan maanta hortagi doona Golaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa ay kala yihiin, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Somaliya.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doonto Hindise sharciyeedka Caafimaadka dalka oo maraya Akhrintiisa koowaad.

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda ee Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doono Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq Maasuqa oo isagana maraya Akhrintiisa koowaad.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi gelinta Bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doono wax ka badal lagu sameeyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya.