Ra’isul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda Imaaraatka

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulan gaar ah kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Sheikh Cabdullahi Bin Zaayid Al-Nahayaan.

Kulanka labada Masuul ayaa diirada lagu saaray arimo badan ay ugu horeeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya iyo xxal u helida iisada ka aloosan Khaliijka Carabta gaar ahaan tan u dhaxeysa Xulufada Imaaraatka iyo Dowlada Qadar.

Qoraal uu barta Twitterka soo dhigay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayuu ku sheegay in Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Imaaraatka Carabta ay isla garteen labada dal inay kawada shaqeeyaan sidii xal looga heli lahaa xiisada Khaliijka.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa magaalada New York kula kulmay madax kala duwan oo ka qeyb galeysa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay , waxa uuna madaxda uu la kulmay kala hadlay xoojinta xiriirka iyo in ay taageerana dowlada Soomaaliya.