Xarunta cilmi baarista, dhaqanka iyo nabadda (CRCP) oo xustay maalinta nabadda adduunka + Sawirro

XARUNTA CILMI BAARISTA, DHAQANKA IYO NABADDA {CRCP} OO XUSTAY MAALINTA NABADDA ADDUUNKA.

Xaflad aad u qurux badan oo loogu dabaal degayay xuska 21-ka September oo ku asteysan maalinta nabadda adduunka, ayna soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi baarista, Dhaqanka iyo Nabadda Soomaaliya {CRCP} ayaa lagu qabtay hoolka xafladaha ee xarunta Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ee Magaalada Muqdisho.

Hadal ay halkaasi ka soo jeediyeen Gudoomiyaha Xarunta Cilmi baarista, Dhaqanka iyo Nabadda {CRCP} Maxamed Aweys Sheikh Maxamed iyo Hoodo Yuusuf Xaashi oo ka tirsan masuuliyiinta xaruntaasi ayaa sheegay xaruntoodu inay ku faraxsan tahay qabashada xuska maalinta nabadda, waxayna si qoto dheer uga sheekeyeen taariiqda iyo sida uu ku yimid xuska 21-ka September, iyagoo dhanka kalana ka war-bixiyay adeegyada kala duwan ee xarunta {CRCP} ay qabato.

Gudoomiyaha Dhallinyarada G/Banaadir Cabdi kaafi Maxamuud Makaraan, Gudoomiyaha Dhallinyarada Midowday Muna Xasan Maxamed, Agaasimaha Dalladda Jilayaasha aan Dawliga aheyn prof. C/salaam Malla, Agaasimaha Arimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Maryan Aadan Amiin iyo Gudoomiye ku xigeenka Golaha Abwaanada Xersi Dhuux Maxamed oo iyaguna munaasabadaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qabashada xuskaasi, waxayna xarunta CRCP ay ku bogaadiyeen sid ay u suurta galisay munaasabadaasi.

Munaasabadii xuskaasi waxaa kaloo ka hadlay Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Nuur Xuseen Maax, Wasiirkii Hore ee Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed, Senator Muna Xasan Cumar iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo iyaguna ka hadlay qiimaha ay nabaddu leedahay, waxayna caddeyeen nabad la’aan inay la macno tahay nolol la’aan, iyagoo u rajeeyay ummadda Soomaaliyeed in sanadkaam kiisa kale ay ku gaaran nabad.

Aas-aasaha xarunta Cilmi barista, Dhaqanka iyo Nabadda {CRCP} isla markaana ahaa Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guryeynta Eng. Saalax Sheikh Cusmaan Muuse oo khudbad taariiqi ah ka soo jeediyay gaba-gabadii munaasabadaasi ayaa sheegay inay nabaddu tahay shey qaali ah oo aan laga maarmin, waxaana uu tibaaxay in nabadda, caddaalada iyo dhaqanka ay yihiin seddex arimood oo iskaabayo, isagoo ku cel-celiyay in loo baahan yahay sidii la isugu kaashan lahaa xoojinta nabadeynta Soomaaliya.

“Dhaqanku waa asal, ummad aan dhaqan laheyna waa geed aan miro laheyn, tallo ahaan waxaan soo jeedinayaa in la adkeeyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir sSalax Sheikh Muuse oo soo jeediyay in caruurta la baro taariiqda Dalkooda iyo dhaqanka dadkooda.

Munaasabadaasi oo ku dhacdey jawi aad u fiican ayaa halkaasi waxaa suugaan ka tarjumaysa wanaaga nabadda ku soo bandhigay kooxda fanaaniinta SHAMBAL oo qeyb ka ah xarunta Cilmi baarista, Dhaqanka iyo Nabadda Soomaaliya {CRCP}, 21-september ayaa sannad walba waxaa caalamka looga dabaal degaa maalinta nabadda adduunka, Qaramada Midoobay ayaa maalintaasi u aqoonsatey inay tahay maamlinta nabadda caalamka.