Tahriibayaal ka badan 50-Ruux ah oo ku dhintay Badda Mediterranean

Warar lagu qoray Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in ilaa 50 qof oo muhaajiriin Afrikaan ah ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen Badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga.
Muhaajiriintaann ayaa la sheegay Doontii ay saarnaayeen inuu ka dhmaaday shidaalkii iyadoo maraysa xeebaha dalka Liibiya.


Doonta ay saarnaayeen Muhaajiriinta ayaa lagu sheegay inay gaarayeen ilaa 100 qof oo Tahriibayaal ah kuwaas oo Jimcihii hore ka shiraacatay magaalada Sabratha ee ku taala dhinaca Galbeed ee Dalkaasi, sida ay u sheegeen saraakiil deegaankaas Idaacadda BBC-da.
Muhaajiriintaasi Doontii ay saarnaayeen ayaa Badda dul sabaynaysay maalmo ka hor inta aysan dagin, Doonidaasi ayaa markii dambana ku soo caarisay agagaarka magaalada Zuwara ee Dalkaasi Liibiya saacadihii hore ee Maalinamdii Arbacadii aan soo dhaafnay.
Dhanka kale wararku waxay sheegayaan in hadda socoto baadi goobka dadka doontaasi saarnaa ee weli qaarkood la la’yahay.