Shir looga hadlayey arrimaha Somalia oo ka dhacay New York & RW Kheyre oo ka hadlay

Magaalada New York ayaa waxaa ka dhacay shir barbar socday shirka golaha guud ee QM, kaasoo looga hadlay arrimaha Somalia, waxaana looga hadlay arrimaha Somalia.

Waxaa shirkan ka qeyb galay madaxda dalalka daneeya arrimaha Somalia, waxaana shir gudoominayey dowladaha Soomaaliya,UK, Talyaaniga, iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Raisul wasaare Kheyre oo ka hadlay shirkaas ayaa sheegay dowladdiisu ay muhiim u tahay kaalinta ay beesha caalamku kaga jirto soo celinta ammaanka iyo xasilooni dhab ah oo Soomaaliya ka dhacda.

Waxaa uu intaas ku daray in xukuumaddiisu xoogga saarayso sidii ay u kobcin lahayd dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo inay u furantahay Soomaaliya Maalgashi caalami ah.

Hay’adaha samafalka qaarkood ayuu ku eedeeyey iney sheegaan ineysan ka howlgali karin Soomaaliya khatar dhinaca ammaanka ah awgood, Taasoo uu ku tilmaamay raisul wasaaruhu iney tahay mid ka hor imaanaysa in la samafalo malaayiin dad ah oo u baahan taageero dhab ah.

Waxa uu xusay in xaaladda Soomaaliya ay dhinacyo badan ka soo kabanayso gaar ahaana amniga, loona baahanyahay in aan isha laga fiirsan, iyadoo madaxda QM iyo kuwa beesha caalamka ee kulankaas ka qeyb galay ay balan-qaadeen kordhinta taageerada ay siiyaan Somalia.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta la filayaa in uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu ka jeediyo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey kaasoo haatan ka soconaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu khudbadiisa uu ku soo bandhigo xaaladda Soomaaliya, dhinacyada Ammaanka, siyaasadda Dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadanimada, isagoo taageero weydiisan doona madaxda beesha Caalamka oo shirkaasi ku sugan.