Ruushka oo taallo weyn uga dhisay magaallada Moscow ninkii sameeyay Qoriga Ak-47

Bartamaha magaallada Moscow, ee caasimadda waddanka Ruushka ayaa waxaa laga taagay taallo dheer oo lagu xasuusan doono ninkii sameeyay qoriga AK-47, General Mikhail T. Kalashnikov.

Qaar ka tirsan ciidammada Baambeyda Ruushka ayaa halkaasi ku garaacay astaantii muusigga Midowgii Soofiyeeti iyagoo xusaya halgamaagoodii hore ee Kalashnikov.

Taalladan oo maar ka sameysan ayaa jeedda 16 cagood, waana Kalashnikov oo gacanta ku haysta qorigiisii AK-47, taas oo hadda kaddib lagu xasuusan doono ninka farsameeyay qoriga fudud ee ay ku tiirsanaayeen ciidammada Ruushka 60-kii sanadood ee la soo dhaafay.

Inkastoo Ruushku ay ku faanayaan Bunduqoodan haddana waxaa la xaqiijiyay in qorigani inta qof ee uu dilay ay ka badan tahay marka la isku geeyo dhammaan hubka kale ee caalamka.

General Kalashnikov, ayaa mar la weydiiyay su’aal ahayd ‘qorigii aad sameysay waxa uu laayay malaayiin bani’aadam ah bal ka warran?’ waxa uu ku jawaabay “Aad baan uga xumahay aniga ujeedkii aan qorigani u sameeyay waxay ahayd inaan dalkayga ku difaaco”.

Mr. Kalashnikov, ayaa geeriyooday sanadkii 2013, isagoo da’diisu ahayd 94 sanadood.