NASASHADA JIMCAHA.Q-62aad. Prof. Yahya Amir

1-Nin sakhraan ah ayaa lagu yiri: Dalka shiinaha daqiiqad kasta hal cunug ayaa ku dhasha. Wuxuu yiri: waa dal horuumaray, ma ahan sideenoo kale oo sagaal bilood la sugayo.Fiiri sawirka 1aad.

(laakin anaguna armaan ka xildhibaana badanahay haddii kuwa gobalada lagu daro oon ka mushaar badan nahay, nin dhinac u horuumar).

2- Ninkii Xamar ugu bakhiilsanaa ayaa lagu yiri: Nin kaa bakhiilsan ayaa Gaalkacyo jooga, Baabuur ayuu raacay,markuu gaalkacyo tagay ayaa loo tilmaamay gurigii bakhiilka, irida ayuu garacay waxaa ka furay bakhiilkii gaalkacyo oo hal IL u duubantahay, wuxuu ku yiri: war yaa isha kaa dhaawacay?. Wuxuu ugu jawaabay: waxba igama gaarin, ee haddiba aan hal IL wax ku arki karo ,tan kale nuurkeeda maxaan isaga khasaarinayaa. Saaxiibkaa ..baaskii geeyay ayuu ku soo noqday. Fiiri sawirka 2aad.

3-Xaaji istiile oo kanada ka yimid ayaa guursady gabar yar uguna sheekeeyay, waxaan ahay mu’alif heesaha Hindiga, kanadana waxaan ku lahaa JIM oo aan taba bare ka ahaa,waxaana ahay nin ku caan baxay jilida romantiga.waxa ay ku tiri : Haddii aad i jeceshay 10 mar jilbaha dhulka dhig adiga oo ii heesaya. Laba mar markuu jilbaha dhulka dhigay. Ayuu yiri: macaanto Romantik ii roone mar lee i istaaji .waxaa ii soo wacay Mr.Tramp, waxaa soo wacday xaaskiisii oo kanada joogtay uuna ugu sheekeeyay xil muhim ah ayaa dowladu ii magacaabee,waxaana iga balan qaaday Ambasador .Cabdihakim gamadiid. Fiiri sawirka 3aad.

4-Axmad oo reer Gaalkacyo ah, ayaa masjid soo galay,asaga iyo nin kale ayaa imaamkii ku wada xirtay salaadii. imaamkii faataxadii ayuu kor u aqriyay, ninkii kalena kor ayuu u aqriyay. Imaamkii markuu walalaal’iina yiri: ayuu Aamiin ka daba yiri Axmad, kii kale ayaa isna kor u yiri : walalaal’iina. Axmad isagiina waxa uu ka daba yiri: Aaaamiin.

Markii Salaadii dhamaatay ayaa lagu yiri: war Axmadoow maxaad labada nin Aamiin uga wada daba tiri: Markaa ayuu yiri: Laba nin oo ilama adeer ah,oo kiiba 7 wiil iyo 7 tiro oo Ariya leeyahay wiligeey uma kala eexan.

Maxamed Dahir oo meesha taagnaa ayaa yiri: waa runtii aniguba weligeey 7da dowladood ee IGAD iyo 7da dowladood ee somaalida uma kala eexan.

( IGAD=Jabuuti, Somaliya, Eriterya, Sudan,Itobiya, Uganda, iyo Kenya. Somalia= Somali land, Punt land, Galmudug, Hirshabeele, K/Galbeed, Juba land iyo DFS ee Banadir),ma iyagaa kala cod badan oo kala tira yar maxaan ugu kala eexanayaa ayuu raaciyay).

5- Nin ayaa Dameer uu watay ku xiray geed ku hor yiil aqalka ummadda (baarlamaanka), Asgartii ilaalada aheed ayaa ku soo oraday oo ku tiri: ka fur dameerka waddadaan waxaa soo maraya Xildhibaanada iyo wasiirada.

Ninkii ayaa qoslay oo ku yiri: Haka cabsanina in ay iga xadaan,hal xiriga oo aan geedka kula xiray ayaan ogahay, ma furi karaan,mineey mooshin ka keenaana iyagoow masago ka rabaa. Fiiri sawirka 4aad.

( shacabkii miyaa siyaasada u fahmay tuuganimeey, see wax u jiraan?).

6-Sabriye Muse, ayaa isaga lugeeynayay waddada dheer ee xaafadiisa hor marta, ayuu Geed waddada dhinaceeda ku yiil shanqar ka maqlay, waxaa saaran gabar yar oo 14 jir ah,oo wadata dirac ku gaaban coowradeeduna muuqato.Waxa uu ku yiri: soo dag, kadibna waxa uu siiyay $ 100 wuxuuna ku yiri: Hooyadaa u tag ee kastuumo ( nigis) ha kuu soo gaddo.

Subaxdii xigtay ayuu geedkii hoos mary,haddana shanqar ayuu maqlay, waxaa saaran islaan waayeel ah oo aan kastuuma wadan, waxa uu yiri : soo dag, waxa uu ogaaday in ay gabartii shalay hooyadeed tahay. Nus dollar ayuu siiyay ,waxa uuna ku yiri: Sakiin ku gado.

( siyaasadu waa isbedeshaa waxa ayna ku xiran tahay hadba xaaladda markaa jirta, kii kaa horeeyay wixii uu ku guuleeystay,lama hubo in aad adna ku guuleeysan doonto. Madaxda maamul gobaleedyada ,haddi kuwii ka horeeyay ay Carabtu u cantoobisay, amaa kuwaan dambe Sucuudiga & Imaaraadku sakiin siiyaan?).

Qore: Yahya Amir