Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle oo arrimo dhowr ah kala hadlay saraakiil QM ka socota + Sawirro

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Beledweyne kulan kula yeeshay saraakiil  ka tirsan Qaramada Midoobay iyagoo ka wada hadlay xoojinta wax ka qabashada baahiyaha ka jira Hirshabelle iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen QM horumarinta iyo dib u dhiska Hirshabelle.

Ugu horeyn Saraakiisha Qaramada Midoobay  ayaa ugu hambalyeeyay mas’uuliyada culus ee 16-kii bishaan loo doortay Madaxweyne Waare, waxaana ay muujiyeen sida diyaarka ay ugu yihiin la shaqeynta Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Madaxweynaha Cusub.

Madaxweyne Waare ayaa ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha uu qabto xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Beledweyne saraakiisha ugu sareysa Xafiiskaas, waxana ay u faahfaahiyeen Madaxweynaha howlaha ay ka qabteen Hirshabelle iyo waxyaabaha horyaala in ay wax ka qabtaan sida horumarinta Kaabayaasha Dowladda, Dib u dhiska Deegaanada Hirshabelle, arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  ayaa ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay wanaajinta iyo xoojinta xiriirka kala dhexeeya hey’adaha Qaramada Midoobay, waxaana uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Maamulka, islamarkaana looga jawaabi lahaa baahiyaha Deg-dega ee soo food saara Bulshada Hirshabelle.

Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare  ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim ay tahay in bulshada loo bandhigo waxqabad muuqda oo ay ku qanci karaan taasina looga baahanyahay in UN-ka uu ka shaqeeyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay u soo gudbin doonto Dowladda Hirshabelle, waxaana ay balanqaadeen saraakiishaasi fulinta waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha.

Kulankan ayaa  ahaa kii ugu horeeyay ee uu Madaxweynaha Hirshabelle la yeesho saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay tan iyo markii loo dhaariyay madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle 16kii bishan September.