Banaanbax Balaaran oo ka socdo Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xatunta gobalka Mudug ayaa sheegay inuu halkaasi ka socdo Banaabax balaaran oo lagu taageerayo madaxweynaha Galmudug Axmed Dacaale Geelle Xaaf oo taageeray isaga iyo maamulkiisa Isbahaysiga Sacuudiga uu Hogaaminaayo.


Khilaaf ka dhashay go’aankii wadamada Khaliijka oo cirka isku shareertay,kadib markii maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay arintaasi ku kala qaybsameen.
Madaxweynaha Galmudug ayaa qoraal uu soo saaray ku taageeray isbaheysiga Sacuudiga ee go’doomiyay Dalka Qadar, Waxaana iminka ka soconaya K/Gaalkacyo Banaanbax Gilgilay Magaaladaasi.
Dhanka Dibadbaxayaasha ayaa wato Borar lagu soo qoray hal ku dhigyo lagu taageerayo Madaxweynaha Galmudug loogana soo hor jeedo go’aankii ay qaateen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeynka Galmudug.