Maqaal: Wadaadada waxaa u kheyr roon waa iney dhawrsadaan khidaabka iyo khilaafaadka diiniga ah

Qoraayaasha iyo halabuurrada ku howlan cambaareynta xaddhaafka ah ee lagu hayo har iyo habeen culumada muslimiinta, waa qeyb weyn oo abaabbulan, kana mid ah burburka loo maleegay diinteenna suubban. Ogaaw, kuwa aan ka hadlayo waa kuwa caaytama, oo xanka, xiqdiga iyo xinka xeendaabyada la taaggan.

Dhammaan doodaha diiniga ah ee dhacaya u fiirso. Waa wada caay, aflagaaddo, iin u yeelid qofeed, isgaaleysiin iyo in ay iskugu yeeraan magacyo anshaxa iyo usluubta diiniga ah ka baxsan. Waxa dhacaya ayaa marag u ah.

Bal waxa laga dheefi karo isweydii wadaad dirir iyo afxumo la soo taaggan?! Ka hadli maayaan dhibaatada dhabta ah ee bulshdeenna ka jirta!

Waxaad arkeysaa mid Ilaahey kasmadii ka lumiyay oo diintii u adeegsanaya dano qofeed iyo mid siyaasadeed ama xitaa dano beeleed oo dullinimo iyo ducufnimo xabaarsan. Waxaad arkaysaa kuwa aan salaanta islaamka xitaa isku quurin, misana wada nool, oo dhalasho, dhaqan iyo diin wada sheegta.

Doodaha haatan dhacaya oo dhan, waxey fawdo iyo fadqalo ku furayaan diinta iyo nuxurkii ay laheyd, waxeyna ka dhigeysaa diinta wax afmiishaar kasta uu aqoonteeda sheegto, shaatigeedana uu xirto jeer walba.

Wadaaddada waxaa u qurux badan in ay ka dhawrsadaan khidaabka iyo khilaafaadka diiniga ah ee aan horseedeen kobac maskax iyo kacdoon aqoon iyo garasho diin ku dhisan.