Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Beledweyne

Maxamed Cabdi Waare hoggaaminayo Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sakaay ka ambabaxay Magaalada Jowhar, waxaana wafdiga Madaxweynaha ka mid ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, waxaana si weyn Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ugu soo dhaweeyay Maamulka gobolka, kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Wafdiga Madaxweyne Waare ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Beledweyne wuxuu la kulmi doonaa Qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlayo wada shaqeynta maamulka cusub ee uu madaxda ka yahay.

Socdaalkan Madaxweynaha ayaa ah kii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Hirshabeelle ku tago magaalada Beledweyne, Tan iyo markii loo doortay hogaanka sare ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle Taariikhdu markii ay ahayd 16-kii bishan, Maxamed Cabdi Waare waxaa lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, kadib Doorasho adag oo uu la galay Sideed Musharax, waxaana 27-ka bishan la filayaa in lagu caleemo saaro Magaalada Jowhar.

Dhanka kale Ammaanka magaalada Beledweyne ayaa si weyn saakay loo adkeeyay, waxaana xiran wadooyinka qaar oo lagu arkayo Ciidamo hubeysan, kuwaasi oo ku jira feejignaan dheeri ah.