Falanqeyn Siyaasada: Dawlada Madaxweyne Farmaajo oo Gacmaha Xarig looga xiray

Siyaasadda cusub ee Dowladaha ku mideysan colaada wadanka Qatar waxay sameeyeen siyaasad cusub oo ay kula dhaqmayaan Dawlada Faderaalka ee soomaaliya

Taas oo ah in Dawlad Gobaleed yadu iskood u qaateen Go’aan ah inay ka soo horjeedaan.

Go’aanka Dawlada Faderaalka ee ah inay dhex dhexaad ka Tahay Colaada wadamada Carabta ay ku colaadinayaan wadanka Qatar.

Waxaa soo baxay war sheegsys in Dowaldda federaalku ay dhici karto in ay go’aankaas dib uga noqoto, taas oo loo macneeyey dhaqdhaqaa siyaasadeed ee Dawlada Imaaraadka Carabta oo Malaayiin Dollar ku bixisay sidey saameen ugu yeelan lahay siyaasada Gudaha ee soomaaliya Gaar ahaan dhinaca abniga.

Haday Dawladu ku adkaysato Go’aankeedii hore arinkaa wuxuu abuurayaa in aaney dawladu awood u lahayn inay wax ka badasho Go’aanada iskood u soo saareen Dawlad Gobaleed yadu waxaana bilaamaya in saxaafada la isku adeeg sado. iyadoo lakala aragti duwan yahay.

Dhanka kale waxaa jira warar sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan booqan doono wadanka sacuudiga booqashadan oo ah in uu dhaqaalo ka helo wadanka sacuudiga arinka Dawladiisana cadeeyo waxa ay tahay siyaasada dhex dhexaad nimadu.

waxaan wada og nahay in xiriirka Dawlada Farmaajo wanaagsanayn tan iyo intii ay soo baxdey khilaafkii ka dhex-dhacay xulafada Sucuudiga iyo dalka Qatar,

Marka Dawladiisu qaadatay go’aan lagu tilmaamay inuu ahaa dhexdhexaad balse xulafada Sucuudigu ay u fasiratay in loogu hiiliyey dalka Qatar .

Waqtigan hada la joogo waxaa Dawlada madaxweyne Farmaajo haysta dhibaato xun oo xaga dhaqaalaha ah Taas oo ah inay adkaatay in shaqaalihii dawlada iyo ciidankii laba bilood ee ugu dabeeyey helaan mushaarada ay xaq u leeyihiin.

Markaa waxaa Falanqeyn tayda ku soo Gaba Gabaynayaa maxaa keenay in dawlada iyo shacabka soomaaliyeed noqdaan meel markasta beec u ah wadamada carabta ee colaada ka dhaxayso waqti dheer.iyo in Dawladkasta ay ku Fashilanto inay awood u lahayn in mushahaaro labixiyo.

Dawlada Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo ayaa waxaa soo food saaray siyaasad Gacmaha iyo Indhaha ka xiran.

Taas oo ay adag tahay in uu ka keeno guul Dawladiisu inta ay helayso siyaasad xirfadeysan oo ay isaga Furto dhibaatada hortaal ee uu ugu weyn yahay dhaqaalo xumo aad u daran. ee keen tay in uu awoodin inuu Go’aan siyaasadeed Qaato.

W/Q: Maxamed Caalim