Soomaali Qaxooti oo tiradooda lagu sheegay ilaa 133 qof oo dalka dib loogu soo celiyay

Qoraal ka soo baxay Ururka socdaalka Dowliga ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Soomaaliya dib loogu soo celiyay 133 oo Soomaali ah kuwaas oo joogay dalka Yemen.


Wakaalada Wararka ee Turkiga ayaa sheegtay in dadkaasi laga soo qaaday Magaalada Caddan, islamarkaana lagu soo celiyay Soomaaliya, waxaana la soo saaray dooni.
QM ayaa mudooyinkaan waday daadgureynta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Wadanka Yemen ee dagaalada ka socdaan.
Dhanka kale Markii uu bilowday dagaalada dalka Yemen ka soconaya waxaa Soomaaliya dib loogu soo celiyay dad badan qaxooti ku ahaa dalkaasi.