Ruushka oo Soomaaliya ka taageeraya la dagaalanka Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay inay xukuumadiisa ka kaalmaynayso Soomaaliya Dagaalka ka dhanka ah argagixisadda iyo xagjirnimadda, kadib markii shalay ay wada kulmeen isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaaliya Xasan Cali Kheyre, oo shir ku yeeshay Magaalada New York oo uu ka socdo shirka Golaha Guud ee QM.


“Waxaan ku faraxsanahay kulankaan taariikhiga ah kaasi oo ka tarjumaya xiriirka labadda dowladood, Waxaan ka mahadnaqeeynaa Taariiqdeena Saxiibtinimo waxaana Soomaaliya ka caawin doonaa la dagaalanka argagixisadda iyo xagjirnimadda” ayuu yiri Sergey Lavrov, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Ruushka.
Sergey Lavrov Wasiirka arrimaha Dibadda Ruushka wuxuu cadeeyay inay labada dhinac ka wadahadleen sidii Soomaaliya xasilooni loogu heli lahaa, isagoo sheegay inay kulanka ay diirada ku saareen sidii ay Soomaaliya u sii wadi laheyd Dadaaaladda Nabadeeynta.
Dhankakale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inay Ruushka kala hadleen adkeeynta Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruuskaoo isagu leh Taariikh soo jireen ah.