Maamul goboleedkii afaraad oo taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka (Warsaxaafadeed)

Maamul goboleedyada Federaaliga ah ee Soomaaliya oo taageeraya isbaheysiga uu hoggaamiyo dalka Sacuudiga ee ka dhanka ah dowladda Khatar ayaa sii kordhaya, waxaana caawa wareegto ka soo baxday maamul goboleedka Galmudug lagu caddeeyay inay taageersan yihiin isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay horseedka ka yihiin ee kahorjeeda dalka Khadar.

Wareegto ka soo baxday dowlad goboleedka Galmudug oo ku qoran luqadda English-ka ayaa lagu sheegay inay taageersan yihiin dowladda Sacuudiga, iyagoona sheegay in Soomaaliya iyo Sacuudiga uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo fog.

Qoraalka oo laga soo saaray madaxtooyada Galmudug waxaa kale oo lagu sheegay in maamulka Galmudug uu horay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu wargeliyay inuusan dhexdhexaad ka noqon khilaafka dalalka Khaliijka.