Faah faahin ku saabsan Qarax ka dhacay degmada Boondheere.

Qarax xoog leh ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Maana Bolyo dhinaca degmada Boondheere,iyadoo qarxaasi uu ku dhintay Alle ha u naxariistee mid ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Ninka ku dhintay Qaraxa ayaa waxaa loogu soo dhajiyay Gaarigiisa, iyadoo Sarkaalka dhintay lagu magacaabi jiray Abuu Shiine, isagoo ka mid ahaa shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde.
Sidoo kale Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Ilaa 2 ruux oo shacab waxaana la sheegay in mid ka mid ah Dhaawiciisa uu halis yahay sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada Dowladda ayaa tagay goobtii uu qaraxa ka dhacay waxaana la sheegay inay halkaasi ka bilaabeen baaritaano, iyadoo wadadaasi laga joojiyay Gawaarida iyo dadka socotada ah.

Dhanka kale Magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacaayay dilal iyo qaraxyo is xig xigay, mana jirto ciidamo suga amniga xiliyada habeenkii iyo maalintiiba oo lagu ogyahay inay sugaanka ammaanka shacabka.