Ciidamada Kenya oo xalay Isaga Baxay Degmada Baardheere

Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM inay isaga baxeen saldhigyadii ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi.


Ciidamada Kenya ayaa ka baxay xalay saqdii dhexe guud ahaan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo saldhigyadii ay ku lahaayeen,lamana oga sababta keentay inay saldhigyadii ay ku lahaayeen degmadaasi faarujiyaan.
Maxamed Cabdi Nuur Afhayeenka Ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidamada Kenya oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Degmadaas ay isaga baxeen halkaasi, isagoo sheegay inaysan garanayn sababtii ka dambeysay.
Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in haatan degmada ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya, isagoo muujiyay inaysan jirin wax cabsi ah ooku aadan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.