Olole lagu nadiifinayo guriga Safaaradda Soomaaliya ee Belgium oo ka bilawday Brussel (SAWIRRO)

Olole bilaw u ah in lagu soo celiyo bilicda ay laheyd Guriga Safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium, ayaa todobaadkaan ka bilawday Magaalada Brussel, kadib markii dhawaan gacanta Soomaaliya dib loogu soo celiyay Gurigaan oo muddo ay degnaayeen kooxo Ajnabi ah oo ka faa’ideystay bur-burkii dowladnimada Soomaaliya.

 
Ololahaan oo uu hor-kacaayay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadamada Benelux iyo Midowga Yurub, Dr. Ali Said Faqi, ayaa waxaa ka qeyb-qaatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tirsan Jaaliyadda Magaalada Breda ee wadanka Netherlands.
Gurigaan oo qeyb ka ah dhismooyinka ay Dowladda Soomaaliya ku leedahay wadamada Yurub ayaa loogu tala galay in ay dagaan Madaxda Safaaradda iyo Martida Dowladda ee safarada ku yimaada dalka Belgium, iyadoona gurigaan uu gacanta Soomaaliya ka maqnaa muddo 27-sano.
Danjire Dr. Ali Said Faqi, ayaa sheegay in sanadkii 2015 ay ku guuleysteen in gurigaan dib gacanta Soomaaliya loogu soo celiyo, iyadoona ay jirto cabashooyin fara badan oo ka imaanaya dadka dariska la ah gurigaan iyo dowladda hoose ee wadanka Belgium, bacdamaa uu gurigaan gudihiisa iyo dibadiisa ay ka baxeen geedo waa-weyn, Qashin fara badanna lagu soo shubo.
Waxa uu dhinaca kale sheegay Danjire Faqi, in Ololahaan uu qeyb ka yahay Qorshe balaaran oo ay ku doonayaan sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Gurigaan, balse waxa uu xusay in talaabooyinka dib u dhiska loogu sameyn karo gurigaan ay tahay mid u wada taal dhamaan Madaxda Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
“Ujeedkeena hada waa in aan nadiifinaa wejiga hore ee guriga maadaama gurigaan uu saaran yahay wado laami ah, Mustaqbalka waxaan rajeeneynaa in gurigaan dib u dhis lagu sameeyo, Lacag aad u badan ayuu u baahan yahay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa, balse waxaan wadnaa la tashi madaxda Dowladda ah” Ayuu yiri Danjire Faqi
Cabdi Odey iyo Col. Xuseen Xaaji Amin oo hor-kacaayay dhalinyaradda Magaalada Breda ee wadanka Netherlands kuwaasi oo ka qeyb qaadanaayay Ololaha Nadaafada ayaa waxa ay sheegeen in talaabadaan ay jawaab u aheyd baaq kasoo gaaray Safiirka Soomaaliya ee Belgium, waxa ayna dhinaca kale baaq u direen jaaliyaddaha ku dhaqan wadamada Belgium, Netherlands iyo wadamada kale ee dariska in ay gacan ka geystaan sidii gurigaan dib loogu soo celin lahaa bilicdii uu lahaa.
Tan iyo markii Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Belgium loo soo Magacaabay Danjire Ali Said Faqi, ayaa waxaa socday olole xoogan oo dib loogu soo celinayay bilicda dhismooyinka ay Soomaaliya ku leedahay Belgium, waxaana uu Safiirka ku guuleystay dib u dhis lagu sameeyay xarunta Safaaradda oo hada xafiisyadeeda si caadi u shaqeenaya, iyo in dib gacanta Soomaaliya loogu soo celiyo Guriga Safaaradda.