Maxkamadda Magaalada Gaalkacayo oo dambi ku wayday nin lagu eedeeyay inuu u gafay Nabi Muxamad (NNKH).

Maxkamada Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay inuusan wax dembi lahayn nin la sheegay inuu la meel dhigay sawir uu ku sheegay inuu yahay Nabi Maxamed, Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ahaatee, taasi oo keentay in maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo ay sheegtay in dembi lagu waayay ninkaasi lagu eedeeyay inuu sawir meel yaalla ku tilmaamay nabi Maxamed (SCW).
Garsooraha maxkamadda Gaalkacyo Sheekh Maxamed Macallim Cali ayaa BBC-da u sheega in ninka la eedeeyay oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare uu maxkamadda hor yimid oo su’aalo la waydiiyay, islamarkaana lagu waayay wax dembi ah, lana sii daayay.
“Waxaan daba joognay maalmo dhan, waxaana waraysanay Sheekha, isagoo noo cadeeyay in arrintaas uu ka bari yahay” ayuu yiri garsooraha Maxkamadda , iyadoo Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed, wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Galmudug BBC-da u sheegay in ninkasi uu geystay dembi, lana baari doono.
Wasiirka ayaa u sheegay BBC-da in haddii ay cadaato in isagoo fayow uu si dhab ah u sameeyay arrintaas sharciga la marsiin doono.
Dhanka kale Garsooraha maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo, Sheekh Maxamed Macllim Cali ayaa sheegay in Wasiirka uu ku degdegay arrin uusan la socon, isagoo yiri “Wasiirka wuxuu ku degdegay arrin uusan la socon in maxkamad ay ku jirto”.