Madaxweynaha Hirshabeele Mudane Waare iyo howlada laga sugaayo!!! Dhageyso dood dhaxmartay Max’ed Shiine iyo Xuseen Wadaad

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad Goboleedka Hirshabeele waxaa lagu doortay madaxweyne Cusub oo magaciisa lagu magacaabo Maxamed Cabdi Waare, kadib markii uu wareegii ugu danbeeyay uu kaga adkaaday musharixii la tartamaayey ee Daahir Cabdulle Cawaale.

Dolda waxaa ka qeeb galayaayo Maxamed Shiino Iyo Xuseen Wadaad oo labaduba ay degen yihiin wadanka Sweden, dolda waxaa inlo daadihineysa Ikraam Cali Kaar.

Dooda waxay ku saabsan tahay howlada horyaale madaxweynaha cusub iyo waxa laga sugaayo siduu iga soo bixi lahaa, iyo caqabadaha jira sida looga gaashaaman lahaa, arinta ugu muhisan ee laga doonaayo waa dib u heshiisiinta shabcabka degen gobolaka iyo nabadgelyaha gobolka oo laga shaqeeyo.

Madaxweyne Waare ee dowlad goboleedka Hirshabeele waxa hadda horyaalo oo laga doonaayaa waa in dib u heshiisiin uu ku sameeyaa odey dhaqameedyada labada Gobo maadaama shacabka degen labada gobol waxa matala waa odoy dhaqameedyada.

Marka baxad moodaa shcabka labada gobol degen in ay kala didsan yihiin, si laysugu soo shaweeye labada shabac waa in in loo sameeyaa dib u heshiisiin dhab ah.

Waxyaabaha ugn muhimsan ee laga doonaayo madaxweynaha cusub waa cadaalada, taasi oo macnaheedu yahay qabaa’ilada degen gobolka Hirshabeele in si siman loogu qeebiyo xukuumada la dhisi doono, si qabiil kastö ay iskaga dhax arkaan xubnaha dowadiisa.

Doodii dhaxmartay mudane Shiino iyo Hussein Wadaad, waxyaabihii ay ka doodaayeen waxaa ka mid ahaa, Maxaa keenay in hal qabiil ay ku tartamaan jagada madaxweyne. Maxay qabiilada kale ay uga soo qeeb gali waayeen doorashada maxadweynnanimada, taasi ma dastuurka fedelralka ayaa qaba ama dastuurka dowlad golbeelka Hirshabeele ayey ku qoran tahay.

Halkan ka dhageyso