Boqolaal caruur reer Rohingya ah oo keligood soo qaxay iyo darxumada heysata

Qaar ka mid ah Hay’adaha gargaarka ee caawinaya dadka Muslimiinta Rohingya ee ku soo qaxay Bangaladesh ayaa waxay sheegeen in ay jiraan caruur badan ooo aan waalidkood la socon.

Hay’adaha ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan ku dhawaad 1,300 oo caruur ah oo aysan waalidkood amaba qaraabadooda wehelin kuwaasoo soo gaaray Bangaladesh.

Qaar ka mid ah caruurtani ayaa waxa ay da’dooda ka yartahay saddex jir sida ay hay’adaha sheegeen.
Caruurta qaarkood ayaa sheegay in waalidiintooda lagu hor dilay, ayna naftooda la soo baxsadeen.

Qaar kale oo ka mid ah caruurta Rohingya ee soo gaaraya Bangaladhesh ayaa la sheegay in waalidiintooda ay kala lumeen markii la qaxayey, aysana garaneyn nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin.

Dalka Myanmar ayaa wax ka soo qaxay dad gaaraya 300,000 oo ah Muslimiinta Rohingya kuwaasi oo soo gaaray Bangaladesh.

Qaramada midoobey ayaa hore ugu tilmaamtay dhibaatada lagu hayo dadka Rohingya in ay tahay Isir sifeyn