Al Shabaab oo saakay weerar xoogan ku qaaday Deegaanka Kalabeyr ee duleedka Baladweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab saakay weerar xoogan ku qaadeen Deegaanka Kalabeyr ee duleedka Baladweyne.

Al Shabaab ayaa weerar kedis ah ku qaaday Koontarool ciidanka dowlada joogeen oo kuyaala deegaanka Kalabeyr oo qiyaastii magaalada Baladweyne u jira 20-km mitir. waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Al Shabaab dagaal kadib ay u suurto gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka Kalabeyr, ciidanka dowlada ayaana isaa baxay deegaankaasi.

Dagaalka waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo soo gaaray ciidanka dowlada ee lagu weeraray deegaanka kalabeyr, walina ma jiro faah faahino maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidanka ka bixiyeen weerarka Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada iyo xeryaha ay ciidanka dowlada kaga sugan yihiin gobolada dalka, waxaana shalay la wareegeen degmada Ceel Waaq oo katirsan gobolka Gedo inkastoo markii dambe ka baxeen.