Al-Shabaab oo la wareegay degmada Ceel-waaq

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Gudaha Magaalada ay ku arkeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada Al-Shababa ayaa weerar ku qaaday degmadaasi, waxaana la sheegay dagaal ka dib in ciidamada dowladda ay ka baxeen.

Al-Shabaab waxa ay sheegtay in saldhigga Ciidamada dowladda ee degmadaasi ay hadda ku sugan yihiin ,islamarkaana ay ka qaateen saanad ciidan.