Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay hay’adda ICAO

Wasiirka duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo la hadlay Idaacadda BBC-da laanteed afka Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiiskii ay la galeen Ha’yadda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawada ee ICAO.

Wasiirku wuxuu ka dhawaajiyey in bisha Octobar Muqdisho la keeni doono qalabkii lagu maamuli lahaa hawada , wixii markaas ka dambeeyana ay billaamayso in si tijaabo ah loogu shaqeeyo , inta tijaabadu dhamaanayso ayuu xusay in Dowladda Kenya ay hawada kawada shaqayn doonaan.

Shalay oo arbaco ahayd ayey heshiis kala saxiixdeen wefti dowaldda Federaalka ka socday oo uu hogaaminayey Wasiirka duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad ( Oomaar) iyo Masuuliyiin uu kamid yahay hoghayaha Ha’yadda ICAO.