DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Baledweyne

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah sida ay xaqiijiyeen dadka ku sugan Magaalada Baledweyne.

Qaraxa ayaa waxaa geystay ruux isku soo xiray waxyaabaha Qarxa, waxaana uu ka dhacay Afaafta hore ee xarunta maamulka gobolka Maqaayad ku taalla.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad badan.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Qaraxaasi.

Wararkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbineynaa wixii soo kordha.