Waa kumaa Lixda musharax ee isku soo sharaxay Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa ololahooda ka bilaabay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in musharixiinta xilka madaxweymnaha Hirshabeelle ay ka soo jeeda beesha Xawaadle, taasoo xaq u leh xilka madaxweynaha Hirshabeelle.

Musharixiinta ayaa buuxiyay shuruudaha ay u dhigeen guddiga doorashada madaxweynaha ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo ay ka mid ahaayeen bixinta lacag dhan $10,000 (Toban kun oo doollar), taariikh nololeedka musharraxa, caddeymaha waxbarashada iyo khibradiisa.

Musharixiinta buuxiyay shuruudaha waxaa ka mida:

1- Cabdi Faarax Sharaawe (Laqanyo) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan.

2- Maxamed Cabdi Waare – Musharax xilka madaxweyne kula tartamay Cali C/llaahi Cosoble.

3- Cabdikariin Cali Nuur – xildhibaan iyo wasiir ka tirsan Hirshabelle

4- Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabageed) guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan iyo wasiir ka tirsan Hirshabelle

5- Cabdinaasir Shirwac Maxamed – Ganacsade

6- Maxamed Caruush Diirow – Agaasimihii wasaarada arrimaha gudaha Hirshabelle.