Shirkii Galmudug Iyo Puntland Uga Socday Gaalkacyo Oo Lasoo gaba Gabeeyay

Waqooyiga magaalada gaalkacyo aya goordhow lagu soo gaba gabeeyay shirwaynihii dib u hashiisiinta galmudug iyo puntland uga socday maalmihii lasoo dhaafay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug

Shirka ayaa laga soo saaray ilaa 8 qodob oo la xariira xaalada nabadgalyo ee gobalka mudug iyo sidii looga wada shaqayn lahaa waxaana qodobadaan ay yihiin kuwa muhiim u ah wada noolaashaha labada maamul ee galmudug iyo puntland

Labada madaxwayne ku xigeen ee galmduug iyo puntland maxamed xaashi cabdi carabey iyo c/xakiin cabdulaahi xaaji cumar camey oo shirkaan hormuud ka ahaa ayaa goobta ka sheegay in ay dhaqan galin doonaan qodobada ay ku hashiiyeen maamulada galmudug iyo puntland oo mudo dheer uu dagaal xoogan ka dhexeeyay

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) ayaa ku baaqay in la hirgeliyo qodobadii ku saabsanaa nabadeynta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maxamed Xaashi (Carabey) ayaa sheegay muhiim in ay tahay in dhammaan la hirgeliyo qodobadii ka soo baxay shirkii Gaalkacyo, gaar ahaan qodobada saldhiga u ah heshiiskan

Injineer c/xakiin cabdullaahi xaaji cumar camey madaxwayne ku xigeenka puntland ayaa dhankiisa sheegay in hashiiskaan uu ka dugnaan doono kuwii horay u u gaari jireen labada maaamul ee galmudug iyo puntland

Hashiiska maanta ay ku gaareen magaalada gaalkacyo maamulada galmudug iyo puntland ayaa ah kii ugu waynaa oo labada maamul ay gaaraan waxaana laga dharsugayaa hirgalinta qodobada ay labada maamul maanta ku hashiiyeen.

Qodobada Lagu heshiiyay waxaa kamid ahaa

1- In laga hortago wixii keeni kara colaad iyo dagaal, lana joojiyo wixii dhaq dhaqaaq ciidan ah, lana hubiyo ciidamada labada dhan ay kala joogaan xeryahooda, si waafaqsan heshiisyadii xabad joojinta ee horey loo gaaray, lana kormeero goobaha colaaddu ka jirto.

2- Waxaa lagu baaqay, laguna heshiiyey in lays la qaato nabad, lana gaarsiiyo guud ahaan dadka reer Puntland iyo Galmudug.

3- Waxaa laysku afgartay in muddo 90 casho gudahood ah lagu qabto shirweyne dib u heshiisiineed oo lagu xalinayo dhamaan khilaafaadka Gobolka Mudug, labada maamulna ay dhisaan guddi farsamo.

4- In labada Maamul ay si dhameystiran u hirgaliyaan heshiiskii la saxiixay 22 June 2017 iyo kuwii ka horeeyeyba.

5- In la furo wadooyinka xiran, lana kormeero hirgalinta heshiisyadii xabad joojinta.

6- In la sii wado shirarka dib u heshiisiinta, lagana xisaabtamo wixii dhacdooyin laga soo bilaabo dhacdadii Balibusle, maamuladuna ay ka taageeraan fududeynta xal u helista dhacdooyinkaas.

7- In culuma’udiinka, ganacsatada iyo Jaaliyadaha Gobolku ay si firfircoon uga qayb qaataan ka shaqaynta sidii lagu gaari lahaa nabad baahsan oo ka dhalata gobolka Mudug.

8- Waxaa laysku raacay, lana dhisay guddi nabadda ka shaqeeya oo ka kooban 36 xubnood labada dhanba.

9- In Guddiga nabadda labada dhan ay ka soo shaqeeyaan xeer lagu xakameeynayo dhacdooyinka fal dambiyeedyada.

10- In fidno wade loo aqoonsado, meelna looga soo wada jeesto ciddii ka hortimaadda hirgalinta nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka walaalahaa ee Galmudug iyo Puntland.