Faah Faahin: Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee galabta ka dhacay Maqaayad kutaala Baydhabo

Waxaa gabal dhicii maanta oo Jimco ah weerar ismiidaamin ah uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray uu ka dhacay maqaayad kutaaka magaalada Baydhabo gaar ahaan meel ku dhaw xarunta Dahabshiil.

Goob joogayaal ayaa ku waramy in nin xirnaa jaakad waxyaabaha qarxa lagu soo xiray uu ku qaraxy goob ay dad badan fadhiyeen oo katirsan Maqaayada kutaala Baydhabo, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay afar qof oo kamid ahaa dadkii Maqaayada ku sugnaa ayaa qaraxa ku dhintay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawada 10-qof kuwaa oo lagu daweenayo isbitaalka magaalada Baydhabo.

Qaraxn galabta ka dhacay magaalada Baydhabo ayaan jirin wali cid sheegatay masuuliyadiisa, waxaana lagu tuhmaya ain ayu ka dambeeyaan dagaalyanada Al Shabaab oo qaraxyadan oo kale horey uga fulisay magaalada Baydhabo.