Baarlamaanka Labada Aqal Ee DFS oo Soo Saaray Go’aan Qaraar oo Ka Dhana Xukuumadda Kheyre

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Labada aqal ee DFS ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay go’aanka maanta ka soo baxay Xukuumada Soomaaliya ee ku aadanaa dhiibistii C/Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo oo Dowladu ay ku tilmaantay Argagixiso ka tirsan Alshabab iyo ONLF.

Xildhibaanada ayaa soo saaray Go’aan ay ku cadeynayaa in Go’aanka Xukuumadda iyo Dhiibiddii Qalbi dhagax ay aheyd mid sharci daro ah oo lagula xisaabtamayo Madaxda DFS.