Musharixiinta Hirshabeelle oo la diiwan galinayo iyo amaanka oo la adkeeyey

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si adag loo adkeeyey waxaana wadooyinka iyo goobaha qaarkood ku sugan ciidamada Midowga AMISOM , waxaana maanta is diiwan galin doona musharaxinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Hirshabeelle.

ilaa 4 Musharax ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey inay u tartamayaan xilka, kuwaas oo saacadaha soo socda la diiwan galin doono, goobta diiwaan galin waxaa ku sugan ma , guddiga doorashada, Masuuliyiin kale iyo ciidamada AMISOM.

Madaxweynihii xilka laga qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa wali ku adkaysanaya inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee Hirshabeelle , isagoo fadhi ka dhigtay magaalada Baladweyne.

12 bishan ayaa la filayaa in la doorto madaxweynaha maamulka Hirshabeelle siday horay u sheegeen guddiga doorashada.