Mareykanka oo sheegay inay saddex sarkaal oo Al-shabaab ka tirsan ku dileen Koonfurta Soomaaliya

Dowladda Washington ayaa sheegtay in duqeymo dhanka cirka ah ay ku dleen sadex sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabaab, sida maanta uu sheegay sarkaal sare oo u hadlay Taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afrika.

Sarkaalka ayaa sheegay in duqeyntan oo ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku beegsadeen sadexdan ruux oo ku sugan deegaan ka tirsan Gooblka Bay oo qiyaastii 75-km u jira Muqdisho.

“Ma jiraan wax shacab ah oo wax ku noqday duqeyntan,” ayuu yiri Anthony Falvo oo ah afhayeenka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, isagoo xusay in weli aysan hayn magacyada xubnaha Al-shabaab ee ay dileen.

Sidoo kale, Falvo ayaa sheegay duqeyntan oo dhacday Talaadadii shalay, ay ahayd mid guul ku dhammaatay, isagoo xusay in hawlgalkan ay gacan weyn ka siiyeen ciidammo ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia iyo AMISOM.

Ciidamada Mareykanka ayaa dhawr jeer oo hore sidan oo kale u beegsaday xubnaha sare ee kooxda Al-shabaab oo ku xiran ururka Al-Qaacida, iyadoo la kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah kooxda tan iyo markii la doortay Trump oo ah madaxweynaha Mareykanka.

Duqeymaha ayaa laga fuliyaa inta badan deegaannada Koonfurta Somalia oo ah goob ay ku firfircoon tahay Al-shabaab, iyadoo la xusuusto in Kooxdan ay dhawaan weerar gaadmo ah ku dileen Ciidamo ka socda Uganda oo Qayb ka ah ah AMISOM.

Kooxda Al-shabaab ayaan weli ka hadlin saraakiishan Mareykanku uu xusay inuu ku dilay duqeymo uu ka fuliyay gobolka Bay ee Koonfurta Somalia oo ay qaybo ka mid ah kooxdu maamusho.

Ugu dambeyn, Somalia ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka badan 22,000 oo askari oo ka socda dalalka Afrika, kuwaasoo gacan ka siinaya Dowladda FS dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.