Ma Dhabaa In Xukuumada Kheyre Qalbi Dhagax Ku Bedelatay Maxaabiis Ku Xirneyd Ethopia

Tan Iyo Kolkii Ay  Soo Baxaday In Xukuumada Madaxweyne Faramaajo Ay Dowlada Ethopia Ku Wareejisay Halgame Cabdikariim Muuse Xuseen Qalbi Dhagax,Waxaa Soo Badanayay Guuxa Dadweynaha Gudaha Iyo Dibadaba,Iyagoo Dusha Eeda Uga Tuurayay Xukuumada Ay Hogaamiyaan Faramaajo Iyo Kheyre.

Caradda Ay Bulashada Somaaliyeed u Qaadeen Dowlada Somaaliya Waxa Ay Gaartay  Heerkii Ugu Sareeyay,Mida Ugu Daran Waxa Ay Ahayd Iyadoo Dhiibitaanka Loo Dhiibay Cadawga Ay Ka Soo Wareegatay Muddo Ayaan Weli Wax Jawaab cad oo lagu qanci karo Ah oo Ku Saabsan Dhiibitaankiisa Laga Heynin Xukuumada kheyre.

Iyagoo Xildhibaano Fara Badan oo Ka Tirsan Labada Aqal Ay Madaxtooyada u Tageen In Arinka Qalbi Dhagax Sida uu Xaalku Yahay Soo Ogaadaan Ayaa Waji Gabax Kala Soo Noqday.

Halkii Xukuumada Laga Sugaayay In War Cad Ay Ka Soo Saarto Dhiibista Qalbi Dhagax, Jawaabtu Waxa Ay Noqtay Kheyre oo Taleefoon Kula Hadlay Dhigiisa Ethopia Halkii Laga Sugaayay In uu Arinta Qalbi Dhagax Kala Hadlo Sidii Xabsiga Cadowga Looga Sii Deyn Lahaa Ayuu Bedelkiisa Maxaabiis Ku Xirneyd Ethopia Codsaday In La Soo Daayo Midaas oo Ay Ka Aqbashay Dowlada Ethopia (Calashaan Kala Bedelesho).

Sidaa Darteed Umada Somaaliyeed Waxa Ay Uga Fadhiyaan in labada Aqal ee Baarlamaanka kala xisaabtamaan falkaas foosha xun ee  ugubka ah inay kala xisaabtaamaan xukuumadda Farmaayo iyo Kheyre maadaama ay Umadda Soomaaliyeed dhaqan u lahayn in qof Muwaadin Soomaaliyeed barqo cad loo dhiibo cadawga soo jireenka ah ee Ethiopia.