Shirweyne ka furmaya Gaalkacyo

Waxaa lagu waddaa saacaddaha soo socda in Magaalada Gaalkacyo uu ka furmo shirweyne ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee Bulshadda kunool gobolka Mudug iyo sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlaya Nabadgeliyadda gobolka Mudug.

Wasiiro , Xildhibaano iyo Madaxweyne ku xigeenada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu waddaa in ay goobjoog ka noqdaan Shirkaan.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo ka hadlay Shirka Maanta ka furmaya Gaalkacyo ayaa sheegay in doonayaan in ay wadahadalsiiyaan Bulshadda kunool Gobolka Mudug.

In ka badan 200 oo qof ayaa ka qeyb galaya Shirkaan sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.