Maxaabiis ku xirneyd xabsiyada Itoobiya oo Muqdisho laga soo dejinayo

Dowladaha Itoobiya iyo Somalia ayaa kawada hadlay sidii loo sii-dayn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed oo ku jira Xabsiyada Dalkaas, kuwaasoo uu ka mid yahay Wariye Maxamed Aweys Muuddey oo loo yaqaan [Boqorka Bartamaha].

Tallaabadan ayaa ku timid wada-hadal khadka taleefoonka ah oo dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre uu Khadka Teleefoonka kula hadlay raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxayna labadaan mas’uul si weyn uga hadleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodi dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada Dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa aqbalay codsiga uga yimid dhinaca DFS ee ah in la sii-daayo maxaabiista ku jira xabsiga, isagoo muujiyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ilo wareedyo ku dhaw Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Toddobaadyada soo socda Muqdisho laga soo dejin doono Maxaabiis horay Maxkamadaha dalka Itoobiya u xukumeen oo weli ku jira xabsiyada dalkaas.

Wariye Maxamed Aweys Muudeey oo 50-jir ah, ayaa laga xiray Addis Ababa bishii November ee sannadkii 2013-kii, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ka qayb-qaatay fal argagaxiso, waxaana xarigiisa loo cuskaday sharciga la dagaalanka argagaxisada ee dalka Itoobiya, waxaa lagu xukumay muddo 27 sano ah.

Ugu dambeyn, Dhawaan ayaa Dowladda Itoobiya waxay kusoo wareejisay Dowladda Somalia maxaabiis tiradooda ay kor u dhaafeyso 140 qof, kuwaasi oo haatan kusugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.