Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii u horeysay ka hadlay xaalada jahwareerka dhalisay ee dhiibidii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhowaan dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Soomalaida Itoobiya ee ESTV waxaa uu ugu horeyn ka hadlay cida uu yahay C/kariin Qalbi Dhagax, isagoo sheegay inuu yahay nin u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana uu dambi ka galay, isagoo xusay in arrintiisa ay u taalo Dastuurka dalka Itoobiya.
Daawo Hadalka Madaxweynaha Dawlad Deegaanka soomalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar