Kenya Oo Hakisay Socdaalka Habeenkii Ee Gobolka Waqooyi Bari

Masuuliyiinta hay’adaha amaanka Dalka Kenya, gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari ayaa shacabka ku dhaqan deegaanada iyo degmooyinka Gobolkaasi ugu baaqay in aysan xiliyada habeenkii ah safrin.

Arrintan ayey u sababeeyeen in dagaalyahanada Al Shabaab ay weeraraan gaadiidka ay dadkaasi la socdaan waqtiyada habeenkii ah marka ay ku safrayaan tuulooyinka oo ay tilmaameen saraakisha in ay ku sugan yihiin dagaalyano ka tirsan Al Shabaab.

Joseph Kanyir oo ah madaxa howlgallada ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in shacabku ay safraan waqtiyadaasi, waxa uuna ku booriyay in ay u hogaansamaan amarka hay’adaha amaanka, kaasi oo la xariira ka hortagida weeraro ka dhaco Gobolka Waqooyi Bari.

Sidoo kale sarkaalka ayaa tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay ay dhaceen weeraro dhowr ah oo ay qaadeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab, balse sarkaalka ma uusan cayimin deegaanada ay ka dhaceen.

Xarakada Al Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ka fuliyay qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Bari, waxa ayna abuurtay cabsi xoogan oo ku aadan in ay sii socdaan weeraradaasi, kuwaas oo saameyn ku yeeshay nolosha dad aad u fara badan.