Kaluumeysatada Somaliland oo ka cabanaya Maraakiibta shisheeye

Kaluumeysatada Soomaaliland ee ka jilaabta xeebaha Magaalada Berbera ayaa waxay ka cabanayaan maraakiib shisheeye oo daabulanaya kheyraadka badda.

Kaluumeysatada ayaa sheegay in ay dhibaato weyn kala kulmaan Maraakiibta shisheeye iyagoona sheegay in ay ka jaraan shabaakadahooda sidoo kalena ay caqabad ku yihiin shaqadooda kaluumeysnimo.

Cabashada kasoo yeeraysa Kaluumeysatada Soomaaliland ayaa waxaa ka jawaabtay Wasaaradda Kaluumeysiga Soomaaliland oo sheegtay inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka laga sheeganayo maraakiibta shisheeye ee kusoo xadgudba xeebaha Soomaaliland.