Hogaamiyaha Shabaab oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Duqaymaha uu Mareykanka Ka Wado Somaliya *Dhageyso*

Hogaamiya Ururka Al Shabaab, Sheekh Axmed Cumar (Abu Cubeyda), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqaymaha uu Mareykanku dardargeliyay, kana wado Gobolada Koonfurta Somaliya.

Hogaamiyaha Al Shabaab oo jeediyay farriin dheer, ayaa kaga hadlay arrimo badan, iyadoona uu ku soo hadalqaaday duqaymaha diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ka wadaan dalka.

Ninkan ugu sareeya kooxda shabaab ayaa Dowladda Mareykanka ku eedeeyay in duqaymaha dalka ay la beegsaneyso dadka rayidka ah, isla-markaana uu Mareykanku sii wadi doono bartilmaameydka ka dhanka ah shacabka.