Jaha wareerka lacagta shilinka Soomaaliga oo ka taagan Puntland

Waxaa saakadii hore xirna suuqa ugu weyn Garowe , kadib markii ganacatada Suuqaasi sheegeen in dowladdu ka qaadan weyday lacagtii hore oo ay tilmaameen in Canshuurta dowladdu aysan ku qaadan.

Ciidamo watay baabuur Tikniko ah ayaa tagay Suuqa waxayna ku fureen xoog, dad maato u badan oo la hadlay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay inay dacwo u yihiin dowladda oo ay doonayaan in si deg deg ah wax looga qabto kala sooco lacagta Shillin Soomaaliga .

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa xirna qaar kamid ah goobaha ganacsiga Garowe , waxayna sheegeen ganacsatada qaarkood in dowladdu ku cadaadinayso in ay qaataan lacagta duuqa ah ee aysan Puntland samayn.

Dad caraysan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay ku jiraan xaalad adag waxay tilmaameen inay ka cabanayaan lacagtii oo laga diiday , Maamo wajigeeda murugo ka muuqato ayaa sheegtay inay kamid tahay dadkii xooluhu ka baa’iyeen abaartu.

“Waxaan ka cabanaynaa Gaajo, Haraad, lacagtii oo nala ku diiday, Aqal mahaysano afar neef baa xoolahaygii naftu kaga jirtaa , na loomana imaan wax nala siiyeyna ma jirto, dowladda dacwaan u qabna , dadka lacagta fowdaynayana dacwaan uqabna” ayey tiri maamadu.

Suuqa Inji oo ah suuqa ugu weyn Garowe waxaa hadda Jooga ciidamo iyo baabuur wata Tikniko waxayna ganacsatada ku khasbayaan inaan la xirin goobaha ganacsiga.

Magaalada Garowe waxaa ka taagan jaha wareer lacagta Shillin Soomaaliga , lama qaadanayo lacagta guduudan ee duuqa ah , arrintaas ayaa saamayn ku yeelatay dadka danyarta ah.

Shirka ay horay uyeesheen Dowladda iyo ganacsatada qaarkeed ayaa laga soo saaray inaan doolarka gacanta hore la dhaafin 27 shilin Soomaali ah halka gacanta dambe lagu qabanayo 28 iyo in lacagta dhamaanteed la qaadanayo marka laga reebo mida jeexan.

Ganacsatada ayaa shirkii ay la gashay dowladda waxay u sheegeen inay qaadanayaan lacagta Shallin Soomaaliga ah dowladdana ay ka doonayaan sidaas oo kale inay qaadato.

Go’aanka dowladda ee ahaa in lacagta la qaadanayo ayaan dhaqangalin, waxaana wali Garowe ka socda kala sooca lacagta Shillin Soomaaliga ah, kaliya waxaa wax lagu iibsanaya lacagta cad ee Puntland samaysay.