Wararka naga soo gaaray gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal beeleed uu ka dhacay degaanka Godad ee Bariga Gobolka Mudug, dagaalka ayaana marar badan soo noq noqday.
Sida naloo xaqiiyey 3 ruux ayaa ku dhintay dagaal xalay seqdii dhexe dhexmaray labada bilood , waxaana saaka laga maqlayey deegaanka rasaasta labada dhinac isweydaarsanayaan.
Labada beeleed ayaa kasoo kala jeeda waqooyi iyo Koonfurta gobolka Mudug , 7 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen kuwaas oo labada dhinac ah , waxaana dhaawacyada loo qaaday magaalada Gaalkacyo.
Majirto wax waan waana oo laga dhexwado labada dhinac , inta badan dagaal beeledka ayaa ka kaca dhul daaqsimeed iyo ceel biyoodyo .
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu dabo socdo dilal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Mudug.