Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in tiro Maxaabiis ah oo ku xirnaa Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa ay baxsadeen.

Maxaabiistaan ayaa la sheegayaa in ay kor u dhaafayaan ilaa tobaneeyo, kuwaas oo Saldhiga Magaalada Hargeysa ugu xirnaa dambiyo kala duwan oo lagu eedeeyay in ay galeen.

Wararka ayaa sheegaya in maxaabiista ay dumiyeen derbiga saldhigga kaddibna halkaasi ay ka baxsadeen, waxayna ciidamada Booliska Somaliland iminka baadi goob ugu jiraan sidii mar kale dib gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Dhinaca kale wararku waxay intaasi raacinayaan in laamaha amniga lagu wargeliyay maxaabiistaasi ka baxsatay xabsiga Booliska Hageysa, kuwaasi oo iyagu maanta la filayay in la soo taago maxkamad.

Ciidamada Booliska ee saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa ayaa bilaabay howlgal ay ku baadi goobayeen tirada Maxaabiista ah ee Xabsigaas ka baxsaday,waxana la sheegay in qaar ka mid ah Gacanta ay ku soo dhigeen halka kuwo kale ay weli maqan yihiin.