Shaqaalaha Ha’yadda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha oo Qoysaskooda, Mushaar La’aan Kula Ciidaya

Tan Kolkii Ay La Doortay Madaxwene Faramaajo Waxa uu Wacad Ku Marayay In Marnaba Aysan Shaqaalaha Iyo Ciidamada Aysan Mushaar La”aan Noqon Doonin Bil Walbana Ay Heli Doonaan Mushaar Joogta Ah.

Nasiib Daro Ma Noqon Sidaasi, waxayna In Yar Ka Horeysaa Dowladii Ka Horeysay Taas oo Aan Mushaarka La Heli Jirin Bilooyin Fara Badan,Dowlada Faramaajo Ilaa Iyo Hada Lama Garanayo Waxa Sababay In Shaqaalaha Ha’yadda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha oo Ah Haayada Ugu Dhaqaalo Badan Somaaliya Marka Laga Reebo Dekada Muqdisho, Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Ayaan Mushaar Qaadanin Bilaha Luuliyo Iyo Agoosto oo Hada Sii Dhamaaneysa.

ShaqaalahaHay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Waxa Ay u Badan Yihiin Kuwo Leh Xaasas Iyo Caruur,Waxa Ay Degan Yihiin Guryo Kiro Ah Iyo Caruurta oo u Dhigta Iskoolaad Lacag Ah oo Bil Walba Laga Rabo.

Mar Aan Soo Booqday Xafiisyada Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Hadal Haaynta Ugu Badan Waxa Ay Aheyd Maxaa Sababay In uu Mushaarku Soo Daaho Maadaama Maalin Walba Lacago Fara Badan Ay Ka Soo Xeroodaan Garoonka Aden Cade Iyo Sameynta paasapoorada Iyo Fiisooyinka Ajaaniibta Lacagtaas oo Lagu Qiyaasay In Bil Walba Ay Soo Xerooto Malaayiin Dolar.

Sidaa Darteed Hadii Ay Dowladu Bixin Weyday Mushaarkii Ay Shaqaalaha Xaqa u Lahaayeen Ayna Ku Dhawaaqday In Ay Musuq Maasuqa La Dagaalameyso Waa In Ay Si Joogto Ah u Bixisaa Mushaarka Ay Xaqa u Leeyiiin Shaqaalaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha.