Koonfur Galbeed oo baaq u dirtay dowladda Dhexe

Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Xasan Fiqi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya laga doonaayo in ay kusoo wargeliso howlgallada laga fulinaayo degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay howlgallo badan oo waxyeelo ay kasoo gaartay dad Shacab ah in laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose.

Fiqi ayaa sheegay Dowladda Federaalka iyo Ciidamada taageera in ay gacan ka siin doonaan howlgalka ka socda gobolka Shabeellaha Hoose, oo uu ka taliyo Koonfur Galbeed, si uu u yaraado khasaare soo gaara dadka shacabka ah.

Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay la shaqeyso maamulka Koonfur Galbeed, xilliyadda ay socdaan howlgallada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waxaa uu xusay in Koonfur Galbeed dowladda Soomaaliya in ay uga aqoon badan tahay degaanada gobolka Shabeelaha Hoose,sidaas darteed ay haboon tahay in ay howlgallada hagaan.

Hadalka kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo beegamaya xilli Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka 25-kii bishaan ay weerar ku qaadeen beer ku taalla degaanka Bariire, halkaasi oo ay ku dileen 10 qof oo shacab ah.