Guddiga xaqiiqo raadinta Dowladda oo ku wajahan deegaanka Bariire

Waxaa ku wajahan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhawaan la sheegay in dad shacab ah Ciidamo huwan ah ay ku laayeen Guddi Xaqiiqo raadin ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay u xil saartay in baaritaan dhab ah arrintaasi ku soo sameeyaan.

Nabadoon Dhiblaawe oo ka mid ah Waxgaradka ku sugan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo u waramayay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Guddiga Xaqiiqo raadinta dowladda Soomaaliya ay sugayaan, islamarkaana ay isku diyaariyeen soo dhaweynta guddigaas.

Sidookale Nabadoon Dhiblaawe ayaa hoosta ka xariiqay in Guddigaas ay la wadaagi doonaan Warbixin dhameystiran oo ku aadan sida ay u dhacday dhibaatadii dhawaan dadka shacabka ah loogu geystay deegaankaasi Bariire.

Ugu dambeyn ayuu xusay Nabadoonku in ay ku rajo weyn yihiin in Warbixin dhameystiran ay lalaabtaan Guddigaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay baareyso dad shacab ah oo dhawaan Ciidamo Mareykan iyo Soomaali isugu jira ay ku dileen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo Masuuliyiinta dowladda qaarkood ay baraha bulshada ku faafiyeen in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab.