Dowlada Turkiga oo Saldhiga Melatari oo Weyn Ka Dhistay Muqdisho

Dowlada Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka dhisatay Saldhiga Milatari ee ugu weyn ee dowladaasi ku leedahay meel ka baxsan dalkeeda, waxaana saldhigan loogu tala galay in lagu tababaro Ciidanka dowlada Soomaalia.

Saldhigan Milatari oo dhismihiisa lasoo gabo gabeeyay dhawaan ayaa la filayaa in si rasmi ah xariga looga jaro,. waxaana xarig jarka saldhigan la filayaa in ay kasoo qeb galaan Madaxda sare ee dowlada Turkiga.

Dhismaha Saldhigan Milatari ayaa ku yaala Dhinaca Xeebta ee xigta Jaziira, waxaana saldhigan hada ku sugan ciidamo Turki ah oo aad u qalabeysan kuwaa oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Saldhigan Milatari ee Turkiga ka dhisatay Muqdisho ayaa leh qeybo kala duwan sida qeybaha tababarada, qeybo la seexdo, goobo lagu nasto, Masaajid iyo qeybo kale , waxaana saldhigan uu ahaa mid si qurux badan loo dhisay.