DEGDEG: Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho

Wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka dhacay qarax xoogan kaasi oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob aad u mashquul badan oo ku dhow Hotelka Maka Al Mukarama, lamana oga sababta ka dambeysay qaraxaasi.

Ciidamada ammaanka ee fariisinkoodu yahay isgoyska Dabka oo aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay ayaa durba u gurmaday dadkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi.

Wararku waxay intaasi raacinayaan inuu jiro qasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

 

Faahfaahinta goor dhow kala soco somaliweyn.org