Beesha Celi Cumar oo ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo odayaasha ku xiran magaalada Jowhar

Kulan aad u balaaran oo ay isugu yimaadeen waxgaradka, aqoonyahanada, madax dhaqameedka iyo dhallinyarada ku abtirsata beesha Celli Cumar loogana hadlayay xariga sharci darada ku dhisan ee dawlad goboleedka Hirshabeelle ay u gaystay nabadoono ka tirsan beeshaasi ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxgaradka iyo nabadoonadii ka soo qeyb galay kulankaasi ayaa si xamaasad leh ah uga dooday xariga odoyaashaasi loogu gaystay Magaalada Jowhar ee G/Sh/Dhexe, dood kulul oo qaadatey dhawr saacadood kadib waxay beeshaasi soo saartey qoddobo ay ka mid yihiin:-

1-Beeshu waxay cadaysay in ka cabanayso xariga Magaalada Jowhar loogu geystay nabadoonadii Degmadaasi u tagey heshiiska loogu yeeray, si ay xaqooda u soo helaan.

2-In Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu ku fashilmay xalinta dhibaatadii ka dhacday deegaano hoos taga Degmada Cadale

3-sidoo kale Odayaashu waxay ku baaqeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo nabadoonada maalintii Shanaad ku xeran Magaalada Jowhar, si shuruud la’aan ahna xoriyadoodu dib loogu soo celiyo.

5- Odayaasha , waxay u soo jeediyeen Cali Guudlaawe inuu fuliyo Documentiyadii horey loogu gudbiyay ee uu balan qaaday inuu fulin doono.

6-Dawladda Dhexe ee Federaalka waxay odyaasha ka codsadeen inay si deg-deg ah u soo fara galiso xadgudubka uu Madaxweyne ku xigeenka Hirshabele kula kacay nabadoono aan waxba galabsan.

7-Beesha Caalamka waxay odoyaashu u soo jeediyeen inay fiiro gaar ah u lahaado arimaha ka dhacaya Magaalada Jowhar iyo tacadiyadii laga sameeyay tuulooyin ka tirsan Degmada Cadale.

Wabilaahi Towfiiq

Mahadsanidiin.