Sirdoonka Spain oo Caawiyay Duqa Magaalada Rotterdam oo Ah Nin Muslim Ah

Ciidamada Sirdoonka dalka Spain ayaa si deg deg ah ku soo war galiyay duqa ama Maayerka magaalada Rotterdam Mr. Ahmed Aboutaleb si uu u kansalo ama u joojiyo bandhig faneed ka dhici lahaa magaalada Rotterdam ee wadanka Holland .

Sirdoonka dalka Spain ayaa helay macluumaad ku saabsan in weeraro iyo qaraxyo la la damacsan yahay Bandhig koox Fanaaniin Mareeykan ah ku qabsan lahaayeen magaalada Rotterdam ee dalka Holland .

Gaari laga shakiyay lagu soo qabtay meel u dhaway halkii ay bandhig faneedka ka dhici leheed , waxaana ciidamada amaanka xabsiga dhigeen darawalkii waday gaariga laga shakiyay kaas oo su´aalo la weeydiinayo .

Kooxda bandhig faneedka qabanaysay ee Maraykanka oo la dhoho Allah-Las ayaa badanaa loo diraa hanjabaado magaca ay wadato awgeed, waxa ayna xubnaha kooxdan sheegeen in marar badan fariimo hanjabada ah la kulmeyn.

Duqa magaalada Rotterdam Mr. Ahmed Aboutaleb oo asal ahaan ka soo jeedo dalka Marooko ayaa tan iyo sanadkii 2008 wuxuu Maayer ka ahaa magaalada Rotterdam oo ah caasimada labaad ee dalka Holland.